Dowladda oo digniin horleh kasoo saartay dhul boobka

Dowladda oo digniin horleh kasoo saartay dhul boobka

Warqad kasoo baxday Xafiiska garyaqaanka guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dr; Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka digay in la boobo dhulka dowladda ay leedahay, iyadoo loo marayo sifo aan sharci ahayn.

Gar-yaqaanka ayaa u digay hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku howlan qabsashada cabirashada ama wax kasta oo wax ka beddelaya asalka dhulalkaas inay ka waantoobaan.

Warqadaan oo sigaar ah ugu socotay Maamulka degmada Afgooye ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dhulalka danta Guud ee degmada ay boobayaan dad Shacab ah, iyaga oo garab ka helaya dad mas’uuliyiin ah.

” Iyadoo la tixraacayo Xeerarka (Dekreetooyinka)
Madaxweynaha JFS ee 2017 iyo 2021, kuwaas oo dhammaantood timaamayay in dulalka
Danta-guud lagu takri fali Karin, sifo sharci darro ahna lagu milkin Karin, cidna la sin Karin, loo
cabbiri Karin, laga kirayn Karin ayada oo aan loo marin habraac Sharciga Waafaqsan Sidaa darteed, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan Shacabka, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku hawlan qabsasha, cabbirashada iyo wax kasta oo wax ka bedelaya dhulkaas asalkooda in ay ka waantoobaan sidoo kale waxaa la farayaa Masuulyinta Warqadani sida tooska ah ugu socoto in ay joojiyaan falalka sharci darrada ah iyo boobka lagu hayo dhulalka sare ku xusan ayaa lagu yiri” Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Dowladda.

Ugu dambeyn Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa waxaa uu ku adkeeyay guud ahaan Musuuliyiinta Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan kuwa Degmada Afgooye inay xil iska saaraan ilaalinta dhammaan Hantida Danta Guud iyo si gaar ah kuwa ku xusan warqaddan

Warkaan digniinta ah ee kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay dalka uu ka socday dhul boobay, isla markaana Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kasoo saaray xeer lagu joojinayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com