Dowladda Masar ayaa Xukun adag ku riday siiyaasi caan ah

HomeWararka

Dowladda Masar ayaa Xukun adag ku riday siiyaasi caan ah

Maxkamada dambiyada ee dalka Masar ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay musharaxii hore ee madaxweynenimada dalka Masar. Abdel Moneim Aboul Fotouh,

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya
Farriinta KOBCINTA DHAQAALAHA Puntland ee Musharrax Madaxweyne Puntland 2019 Injineer Jebiye (dhegayso)
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ku wareejisay Lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar

Maxkamada dambiyada ee dalka Masar ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay musharaxii hore ee madaxweynenimada dalka Masar.

Abdel Moneim Aboul Fotouh, oo 70 jir ah, xaaladdiisa caafimaadna ay liidato, ayaa isaga iyo hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah ee kooxda la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka, Mahmoud Ezzat, lagu helay inay faafiyeen warar been abuur ah iyo ku biirista koox argagixiso.

Mr Aboul Fotouh ayaa la xiray sanadkii 2018 markii uu ka soo laabtay Britain.

Isaga oo ku sugan magaalada London, waxa uu bixiyay waraysiyo badan oo uu ku dhaliilay xukunka madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi.

Eedaysanayaasha ayaa la sheegay in ay rafcaan ka qaadan karaan xukunkooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: