
Khamiis, Octobar 10, 2015 (Daljir) —Waaxda dowladda Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Maandooriyaha iyo dar-dargalinta sharciga ayaa heshiis is afgarad ah oo lagu taageerayo ciidamada booliska Puntland la gaartay dowladda Soomaliya iyo Puntland.
Waxaa heshiiskan ku baxaya lacag gaaraysa 1-Milyan oo dollarka maraykanka ah ,waxaana dowladda Puntland ay u adeegsan doontaa tababaridda ciidamadeeda booliska iyo ka hortagista falalka argagaxiso.
Taageeradan ka timid dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay qayb- ka tahay mucaawinada Dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya ,iyadoo Maraykanka uu balan qaaday in uu laba jibaari doono taageeradiisa Puntland.
FAALLOOYIN & FALCELIN