Dowladda kenya oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Dowladda kenya oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka Millatariga Kenya ayaa sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen, markii ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku

Casbuli gobolka SITTI (DDS) & Xaalka barakacayaasha (Sawirro)
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Booliska Gobolka Banaadir oo toogasho kudilay Xubin katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Millatariga Kenya ayaa sheegay in ay dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab midna ay qabteen, markii ay weerar ku qaadeen fariisin ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Korisa iyo Bargoni oo ka tirsan Gobol Xeebeedka Lamu.

John Elungata, oo ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Lamu ee Dalka Kenya ayaa sheegay in xubnaha ladilay uu ka mid ahaa Sarkaal caan ah oo kasoo jeeda Gobolka Xeebta, kaas oo taageero, warbixinno iyo taakuleynba siinayay Xubnaha Shabaab ee ku sugan kaymaha Boni.

Mr Elungata ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab halkaasi uga tageen Saddex qori oo nooca AK-47 ah, Rasaas fara badan, Biyo iyo agab kale oo ay isticmaalayeen waa sida uu hadalka u dhigey.

Majirto wax war ah oo dhankoda kasoo baxey Al-Shabaab ee ku aadan warka Kenya ay ku sheegtay in deegaan kamid ah deegaan xeebeedka lamu ay ku dishey Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: