Madaxweynaha Hirshabelle oo xilalkii ka qaaday Wasiiro kuwa kalana magacaabay

Madaxweynaha Hirshabelle oo xilalkii ka qaaday Wasiiro kuwa kalana magacaabay

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga,Waxbarashada,biyaha iyo dhalinyarada.

Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu magacaabay wasiiro cusub waxaana loo magacaabay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Nuur,halka wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga loo magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdalle Cali,wasiirka waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdulaahi Abuukar Xuseen sidoo kale waxaa wasiirka biyaha iyo tamarta loo magacaabay Saalax Maxamed Xasan,wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka ayaa loo magacaabay xildhibaan cabdinaafac Macalin Rashiid.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay wasiiradan cusub.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com