Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay degdeg ugu gurmato Ardayda ku go’doonsan Shiinaha

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay degdeg ugu gurmato Ardayda ku go’doonsan Shiinaha

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay u gurmato Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha, kaddib ma

Maamulka Hir-Shabeelle oo qeylo-dhaan kasoo saaray Abaaraha
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
RW khayre oo casho sharaf u sameyeey madaxda Garsoorka dalka (Daawo)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay u gurmato Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha, kaddib markii dalkaas uu ka dilaacay cudurka Corona Virus.

Arday Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Wuhan ayaa ku xayiran xarun la isugu geeyay, waxaana ay qarka u saaran yihiin inuu raashinka ka go’o, iyadoo ay adag tahay inay bannaanka uga baxaan.

Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa dowladda ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmato dhalinyaradaas Soomaaliyeed, si naftooda loo badbaadiyay.

Dowlado badan ayaa muwaadiniintooda kala baxay dalka Shiinaha, kaddib markii uu cudurka Corona Virus uu ku sii baahay gobolada Shiinaha.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa weli qaadin wax tallaab ah oo loogu soo gurmanayo dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Shiinaha uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: