Dowladda Federaalka iyo shirkadda Albayrak oo heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Dowladda Federaalka iyo shirkadda Albayrak oo heshiis kala saxiixday

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta lagu kala saxiix

TPEC ayaa garowe Tababar ugu furay hawlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqayn doona goobaha codbixinta
Beesha Gaaljecel ee Hawiye oo kasoo horjeesatay qaraar kasoo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaaliya
MAXAA SABABEY SARE UKACA KUYIMID QIIMAHA GAASKA CUNTADA LAGU KARSADO EE DEEGAANADA PUNTLAND?

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wada shaqeeynta Dowladda Soomaliya iyo Shirkadda Albayrak ee Maamusha Dekadda Muqdisho ayaa maanta lagu kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Heshiiskan oo dhinaca dowladda ay u saxiixday Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac waxaana goob joog ka ahaa Siihayaha Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u mahadceliyay labada dhinac. Heshiiskan oo dib u eegis ku socday muddo ku dhow 2 sanno ayaa si wadajir ah la isugu af gartay.

Dhanka kale Turkiga waxaa u saxiixay Mr. Ahmet Albayrak oo ah milkiilaha shirkadda Albayrak, waxaana la filayaa in heshiiskan si rasmi ah maalmaha soo socda ay labada dhinac. ku wada saxiixaan magaalada Muqdisho.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: