Dowladda Faderaalka oo ka hadashay qaraxyadii khasaaraha gaystay ee Muqdisho

HomeWararka

Dowladda Faderaalka oo ka hadashay qaraxyadii khasaaraha gaystay ee Muqdisho

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qaraxyadii shalay galab lagu qaaday Hotelka Saxafi iyo xarunta CID ee magaalada Muqdisho, hal

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe ( dhegayso | daawo )
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qaraxyadii shalay galab lagu qaaday Hotelka Saxafi iyo xarunta CID ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan labaatan qof, inka badana dhaawacyo ay kasoo gaareen sadex qarax oo dhacay.

Kusimaha madaxwaynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu yeeray shacabka inay u midoobaan la dagaalanka Al-shabaab.

 

“Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah” Ayuu yiri Kusimaha Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagixisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo” Ayuu sidoo kalle  yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

 

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarada qaraxyada ee kadhacay magaalada Muqdisho.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: