Dowlada Soomaaliya iyo shirkadaha Shidaalka Shell iyo Exxon oo heshiis gaaray

Dowlada Soomaaliya iyo shirkadaha Shidaalka Shell iyo Exxon oo heshiis gaaray

Dowlada Soomaaliya iyo shirkadaha baara shidaalka ee Shell iyo Exxon ayaa gaaray heshiis is afgarad oo bilow ah taasoo labadan shirkadood ay sahan uga bilaabayaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka batroolka Soomaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiiskan la gaaray uuna ku kalsoon yahay in sahamin lagu sameeyo xeebaha Soomaaliya.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo saxiixay sharciga Batroolka taasoo u fududeynaysa sidii sahamin shidaal looga bilaabi lahaa dalka Soomaaliya.

Xog laga sameeyay keydadka shidaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in keyd shidaal oo wanaagsan uu ku jiro xeebaha Soomaaliya.

Shirkadaha Shell iyo Mobil ayaa oggolaaday in ay siiyaan dowlada fedealka lacag gaareysa 1.7 Malyan oo dollar bishii Oktobar ee sanadkii hore si ay uga qeybgalaan tartanka barista shidaalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com