Dowlada Kenya oo baareysa dhiig dalkeeda laga xaday oo Soomaaliya la geeyay

HomeWararka

Dowlada Kenya oo baareysa dhiig dalkeeda laga xaday oo Soomaaliya la geeyay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib

Suuqyada Magaalada Jigjiga ee Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa siweyn looga dareemaya u diyaargarowga Ciida
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa goordhaweyd gaaray hoolka Teendhada Afisyooni
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay socdaan baaritaanno ay ku waddo eedeymo la xiriira in dhiigga lagu deeqo shacabka dalkaas si sharci darro loogu iib geeyo dalka Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug lahaan karaan howlaha la xiriira dhiigga Kenya laga xado ee lagu iibiyo Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in haddii saraakiisha lagu caddeeyo in dhiigga si sharci darro ah ay u geeyeen Soomaaliya la xiri doono isla markaana la maxkamadeyn doono.
Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo dhowaan dowlada Kenya ay sheegtay in ay Keydka dhiigga dalkeeda uu yahay mid aad u yar.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan eedeymahan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee eedeymo noocan oo kale ah dowlada Soomaaliya lagu eedeeyo.

Adeegyada keydka dhiigga ee Kenya waxaa 15-kii sanno ee lasoo dhaafay maalgelineysay dowladda Mareykanka inkasta oo sannadkii lasoo dhaafay uu Mareykanka deeqda dhiigga ah joojiyay, wixii xilliggaas ka dambeeyay dalkaas wuxuu la daalaa dhacayay xoojinta keydka dhiigga.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: