Doorashada maanta ka dhacaysa Baladweyn

Doorashada maanta ka dhacaysa Baladweyn

Kugsigii dadka ugu badan ku tartamaan oo maanta doorashadiisu ka dhacayso Beledweyn.

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan maanta oo Arbaco ah waxaa ka dhacaysa doorashada labo kursi oo golaha shacabka, kuraastaasi oo muddo kala maanduwanaani ka jirtay, dibna u dhigtay doorashadooda.

Kursi ka mid ah kuraastaasi oo ah HOP 063, waxaa ku tartami doona ku dhawaad 10 musharrax oo uu ku jiro Cabdillaahi Goodax Barre oo horay kursigaasi ugu fadhiyey.

Kursigaan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyey oo noociisa ah oo tiro intaas le’eg oo musharraxiin ahi ay ku tartamaan tan iyo intii ay bilaabatay doorashada dadban ee golaha shacabka oo haatan meel gabogabo ah maraysa.

Goodax Barre, dadka kursigaasi kula loolami doona maanta  waxaa ku jira masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay heerarka dawladeed ee Soomaaliya, kuwa hadda xilal haya oo guddoomiyaha Beledweyn ay ka mid tahay iyo dad magac ku leh xagga siyaasadda.

Kursiga HOP 063, muddadii ay socoday doorashada golaha shacabka muran siyaasadeed ayaa ka aloosnaa, iyadoo la iskugu diidanaa in kursigaasi si daahfuran loogu tartamo iyo in loo xirmeeyo cid gaar ah, waxaana aakhirkii lagu dhammeeyey si daahfuran in loogu tartamo kursigaasi.

Cabdillaahi Goodax Barre, dawladda hadda muddo xileedkeedu dhammaaday ee Soomaaliya, wuxuu ka ahaa xildhibaan iyo wasiir waxbarasho, waxaana xilligaas lagu eedaynayey in uu ahaa nin aad ugu adadag, una jinjeera siyaasaddii hoggaamineed ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, balse markii laga qaaday xilka wasiirnimo ayuu u xuubsiibtay mucaaradid siyaasaddii uu muddada ku soo shaqaynayey.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com