Doorashada Guud ee Kenya oo ka billaabatay 46,000 oo ah goobaha codbixinta loogu talagalay.

HomeWararka

Doorashada Guud ee Kenya oo ka billaabatay 46,000 oo ah goobaha codbixinta loogu talagalay.

Shacabka Kenya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxda mataleysa maadaama uu xafiiska uu baneynayo Madaxweynaha xilka kasii

Dersiga ‘aad ee duruusta Ramadaanta & Sh Cabdishaafi Axmed Cali (daawo)
Warka Fiidnimo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Shacabka Kenya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxda mataleysa maadaama uu xafiiska uu baneynayo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Uhuru Kenyatta oo dhammeystay muddada dastuurka uu u ogol yahay in uu xilkaas qabto.

46,000 (Afartan & lex kun) oo goobood oo ku yaalla guud ahaan Kenya ayaa laga codeynayaa sida uu sheegay guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka & Xuduudaha Dalkaas oo gacanta ku haya qorshaha lagu hayo Doorashada guud ee Kenya.

Guddiga ayaa sheegay in qorshaha codeynta loo mari doonno nidaam waafaqsan shuruucda uu horay u shaaciyay, waxa uu adeegsanayaa qalab casri ah oo loogu talagalay in looga hortago in wax is daba-marin ay dhacaan ama lagu murmo doorashada si lamid ah 2007dii.

Guddiga doorashada ee Kenya ay xalay si KMG ah u hakiyeen codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya Sabab ka dhalatay qaladaad dhanka daabacaadda xogta warqadaha.

“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada, nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yiri Boya Molu.

Kenya ayaa adkeysay nabadgalyada goobaha laga codeynayo si ay uga hortagto weeraro ay geystaan dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, meelaha ugu badan ee diiradda amni la saaray waa ismaamullada Soomaalida ee soohdinta xiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: