Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, oo beddelay mowqifkiisii hore ee ahaa diidmada xukuumadda cusub

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, oo beddelay mowqifkiisii hore ee ahaa diidmada xukuumadda cusub

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland oo dhowaan diiday Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa taageeray kaddib markii uu sheegay in Wasiirka koowaad ee XFS ay kawada hadleen tabashadii uu ka qabay nidaamka loo maray xulista Golahaas.

Waxa uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan in ay ballameen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre sidaas awgeed uu baddelay mowqifkiisa diidma ahaa uuna taageeray Xukuumadda cusub.

Sayid Aadan oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in uu la shaqeynayo Xukuumadda si horay loosii wado qaranka uuna dhiirrigelinayo Wasiirada laga sugayo wax ka qabashada Amniga, dhaqaalaha, Abaarta & dhibaatooyin kale.

“Waan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa, Xukuumaddiisa & Madaxweynaha, maalin dhaweyd aniga & Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa aan kasoo saarnay dhaliil, haddana inta aan ansixinta la gaarin waan wada hadalnay waxa aan kaga heshiinay in tabashadaas wax la qabto, xalkeedana uu jiro, qarankana horay u socdo oo aan isbaaro & Lug-gooyo lagu sameyn” Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland ayaa ku baaqay in la garab istaago Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo rejo wanaagsan laga qabo in ay wax ka qabato dhibaatooyinka dalka ka jira sida Amni darrada, dhaqaale xumada & Abaaraha.

“Xukuumaddaan xilliga dalka uu marayo xagga amniga, Midnimada Bulshada, Dhaqaalaha, Abaarta, Mishkilada ku hareereysan aad & aad ayay u farabadan yihiin, Xukuumaddaan waxaa laga filan karaa iyada oo arrintaan ku xisaabtameyso, waaya-aragnima ay jirto, marka la fiiyo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka & Xukuumadda inteeda badan oo xog ogaal u ah in laga fikiro sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka jira” Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland.

Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa 7dii August 2022 codka kalsoonida ka heshay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka, Wasiirada ku cusub wasaaradaha ayaa billaabaya sidii ay xilalka ula wareegi lahaayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com