Donald Trump oo maanta ka bad baaday xilka qaadis

HomeWararka

Donald Trump oo maanta ka bad baaday xilka qaadis

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si dirqi ah uga badbaaday xil ka qaadis ay damacsanayaayeen inay ku sameeyaan Xisbiga Dimoqraadiga, kaddib m

Ciidamada Gaarka ah ee Janaraal Muxyadin oo lagu eedeeyey dil maxbuus iyo dhac hanti (dhegayso)
FAAFAAHIN LAGA HELAYO SHIL KHASAARE SABABEY OO KADHACEY DULEEDKA GAALKACYO
Qorax Madoobad laga arkay Somaaliya & Culumada oo ka hadashay (dhegayso)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si dirqi ah uga badbaaday xil ka qaadis ay damacsanayaayeen inay ku sameeyaan Xisbiga Dimoqraadiga, kaddib markii mooshin ay ka keeneen.

Arrintan ayaa soo afjareysa inuu ka degay Madaxweyne Trump culeyskii saarnaa bilihii la soo dhaafay, waxaana mooshinka laga keenay uu ahaa mid aad u saameeyay xafiiskiisa iyo shacabka Mareykanka oo ku kala qeybsamay.

Donald Trump ayaa lagu waayay wax dambi ah, iyadoo 52 cod ay u codeeyeen in aanu wax dambi ah gelin, halka 48 cod ay u codeeyeen inuu dambi galay, taasoo ka dhigan inuu afar cod kaliya ku badbaaday.

Aqalka Senate-ka oo ay ku badan yihiin Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga waxay u codeeyeen in Madaxweynuhu aanu wax dambi ah gelin, iyagoo difaacay.

Haddii Madaxweyne Trump xilka laga qaadi lahaa waxaa dhici laheyd in Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence uu sii hoggaamiyo talada Mareykanka, inta laga soo dooranayo Madaxweyne.

Xisbiga Dimoqraadiga ayaa si weyn u waday ololaha ka dhanka ahaa Madaxweyne Donald Trump, inkastoo ay ku guuldareysteen qorshahooda xil ka qaadista Trump.

Donald Trump ayaa mar kale doonaya inuu ku guuleysto doorashada soo socota ee dhamaadka sanadkan dhici doona, waxaana culeyska ka degay ay u sahli doontaa inuu ololihiisa doorashada sii wado

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: