HomeUncategorized

Diyaargarawga shirka Khaatumo 2 oo si wayn uga socda degmada Taleex ee gobolka Sool.

Caption ...

“Madbacadda Suudaan ee daabacaysaana waxba kama duwana makiinadaha lacagta daabaca …sheegay Puntland” Dalmar …
Axmed Madobe oo Garowe wada-tashi u Imaanaya
Beesha Caalamka oo Garab istaagtay dowladda Jubbaland

Taleex, Oct, 23 – Degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa xilligaan waxaa ku sugan Issimo iyo cuqaal uu hogaaminayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, waxaana waftigaan ay ka ambabaxeen magaalada Garowe ee caasumada dawladda Puntland subaxnimadii hore ee saakay.

Shirkaan loogu magac-daray Khaatumo 2 ayaa ah mid looga arrinsanayo aayaha beesha Dhul-bahante waxaana Garaadka oo maantay waraysi siiyay Radio Dalji uu sheegay inuusan siyaasad ku leh lahayn, isla markaana beeshu uga arrinsanayso danaheeda gaarka ah.

Garaad Saleebaan ayaa mar aan wax ka waydiinay cidda sugaysa ammniga degmada Taleex inta uu halkaasi ka socda shirka khaatumo 2 ayuu sheegay taas inay u utaalo dadka deegaanka, isla markaana aysan goobta shirka imaan karin maamulada Puntland iyo Somaliland.

Garaadka ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayay suurto-galnimada khilaaf soo dhex-gala shirka waxaa uu sheegay, in arrintaasi goor hore laga tabaabushaystay, mar aan waxka waydiinay Cali Sabaray oo ah guddoomiye kuxigeenka SSC oo si wayn u qaadacay shirkaasi, ayaa Garaad Saleebaan waxaa uu si caro leh u tilmaamay inaan shirkaasi looga baah-nayan SSC iyo cid mucaarad ah-ba, iska markaana shirku uu sida ugu dhaqsaha badan u qabsoomi doono.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: