Axmed Madobe oo Garowe wada-tashi u Imaanaya

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kusoo wajahan magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland.

Axmed Maxamed Islaam oo ay safarkiisa Puntland ku weheliyeen xubno katirsan golayaashiisa dowladda ayaa waxaa soodhoweyntooda ka qayb qaadan doona madaxda dowladda Puntland iyo bulshada kunool magaalamadaxda Puntland ee Garoowe.

Lama shaacin ilaa hada socdaalka madaxweynaha Jubbaland waxa uu salka kuhayo, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu madaxda dowladda Puntland kala tashan doono arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada 2016-ka iyo difaaca Puntland iyo Jubbaland.

Socdaalkan uu Puntland ku imaan doono madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu shalay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ka dhoofay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rke.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com