HomeUncategorized

Diyaaradihii qaadka keeni jirey Soomaaliya oo si kumeel gaar ah loo hakiyey.

Muqdisho, Sep 05 2016--Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kudhawaaqday inay si kumeel gaar ah u hakisay diyaaradihii qaadka keeni jirey Soomaaliya laga bilaabo maalinka beri ah ee 6 September.

Hubka ay Iran siiso Xuutiyiinta Yemen oo la Sheegay In loo soo gudbiyo Soomaaliya
Wefdigii uu horkacayey abaandulaha ciidanka XDS oo xalay la hadlay shacabka Caabduwaaq (Sawirro)
Madaxweynaha Jabuuti oo Waraysi laga Qaaday arimo badan kaga hadlay

Muqdisho, Sep 05 2016–Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kudhawaaqday inay si kumeel gaar ah u hakisay diyaaradihii qaadka keeni jirey Soomaaliya laga bilaabo maalinka beri ah ee 6 September. 

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali, oo lahadlayey BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in tallaabadaani ay salka kuhayso xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya. 

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya. 

Go’aankaani ayaa waxaa qaadacay maamulka Soomaaliland oo sheegay in tallaabada ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya uusan qusayn Soomaalilandna aysan duulimaad joojin doonin.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: