Madaxweynaha Jabuuti oo Waraysi laga Qaaday arimo badan kaga hadlay

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo wareysi gaar ah siiyay jariirad laga leeyahay dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Alxayaat ayaa si weyn u weeraray Ururka Ikhwaanul muslimiin, Dowlada Iiraan, Ururka Xizbullaah iyo weliba ururka Ansaarullaah Alxuuthi.

Geele iyo Guga Carbeed:

” Hadeysan jiri lahayn isbarbartaaga dowlada Sacuudiga isbarbartaagtay shucuubta carbeed, waxaa burburi lahaa dowlada badan oo carbeed” ayuu yiri madaxweyen Geela oo dowlada Sacuudiga ku amaanay dowrki ay ku lahayd arimahan, asaga oo tusaale u soo qaatay dowladaha Masar iyo Lobnaan oo uu sheegay in Alle ka sokow Sacuudiga badbaadiyay.

Madaxweyne Geele oo soo hadal qaaday ururka Ikhwaanul-muslimiin, ayaa sheegay in marka laga soo tago dalka Masar, in ururka Ikhwaanka xafiiskii ugu horeeyay ka furteen dalka Jabuuti, sanadkii 1930-kii.

(Mr Geele ma magac dhabin kuwa ay yihiin Ururadan uu sheegay in ay lamidka yihiin Ikhwaanka.)

Madaxweyne Geela ayaa faragelinta ururadan ee dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yaman ku tilmaamay Fitno aad u weyn, waxuuna ururadan ku sifeeyay “askar Iiraan soo dirsatay”.

Geele iyo C/Fataax Al-siisi:

 

Madaxweyen Geele ayaa amaanay madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax Al-Siisii oo uu sheegay in uu soo celiyay waxuu ugu yeeray “muhiimadii dalka Masar ku lahaa qaaradda Afrika”, taasoo uu sheegay inay xoojisay calaaqaadka Masaarida iyo dalkiisa.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com