Diyaaradaha Qaadka oo ka dagay magalaada Muqdishu

Muqdisho, 14 – Sept – 2016 – Labo diyaardood oo sida maandooriyaal Qaadka ayaa goor-dhow kusoo degay garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa shalay hehsiis ka gaarey xayiraad September 5, 2016 n kusoo rogtay Qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.

Dhanka kale, waxaa si caadi ah kusoo laabtay Isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha ee Magaalada Muqdisho, oo Wadooyinkeeda ay xirnaayeen mudo 6 Malamood ah, sababtoo ah Shirka IGAD.

Beeralayda Qaadka dalka Kenya ayaa sheegay inay lumiyeen Lacag farabadan tan iyo intii cunaqabateynta lagu soo rogey u dhoofintiisa magaalada Muqdishu.

Go’aanka joojinta qaadka dowlada Federaalka ayaa wax saameyn ah ku yeelan maamulada kale ee Somalia kuwasoo maandoorayahaan ka dagayey magaalo madaxyadooda.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com