Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya oo duqeyn ka fuliyay magaalada Maqala

HomeWararka

Diyaaradaha Dagaalka ee Itoobiya oo duqeyn ka fuliyay magaalada Maqala

Duqeyn culus ayaa markale waxaa diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah Caasimada Gobalka Tigray, halkaas oo ay siweyn ugu xoog

Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Ururo siyaasadeedyo ku shiray hoyga madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo war kasoo saaray siyaasadda dalka
Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Duqeyn culus ayaa markale waxaa diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah Caasimada Gobalka Tigray, halkaas oo ay siweyn ugu xoogan yihiin Ciidamada xoogga TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya

Duqeynta ayaa Maanta waxaa lala beegsaday Goobo muhiim ah sida Warshado’ Isbitaalo ‘ Suuqa Ganacsiga iyo Goobo istiraatiji ah, waxaana Maamulka Tigreega ay ku edeeyeen Dawlada Itoobiya inay duqaynta la beeg saneyso goobaha Rayidka.

Xoghayaha guud ee QM antonio Guters ayaa sheegay inay aad uga walaac san’ yahiin dhibaatada ka Taagan waqooyiga Ethiopia ee sii badanaysa’ iyada oy jiraan Duqaymo ka dhacay mekelle.

Antonio Guteres ayaa dhamaan dhinacyada Dagaalamaya ugu baaqay inay ka fogadaan’ Beeg-siga shacabka iyo Kaabayaasha Ganacsiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0