Diyaarad laga leeyahay dalka kenya oo burburtay

HomeWararka

Diyaarad laga leeyahay dalka kenya oo burburtay

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo adeegsado dagaalada ayna leeyihiin ciidamada Kenya ayaa ku burburtay maanta degmada Machakos ee dalka Kenya.

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo adeegsado dagaalada ayna leeyihiin ciidamada Kenya ayaa ku burburtay maanta degmada Machakos ee dalka Kenya.

Ciidamada Milatariga Kenya ayaa ku soo daabacay boggooda Twitterka in labadii duuliye ee diyaarada waday laga soo badbaadiyay burburka diyaarada,balse ay ku dhinteen labo sarkaal oo diyaaradda saarnaa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradan ay burburtay xilli tababar lagu siinayay saraakiil ka tirsan ciidamada balse lama sheegin sababta keentay burburkeeda.

Diyaaradan burburtay ayaa ka mid ahayd lix helikabtar oo ay dowlada Kenya ka soo iibsatay Maraykanka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: