Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo Muqdisho kasoo degtay

HomeWararka

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo Muqdisho kasoo degtay

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtey magaalada Muqdisho kadib markii shalay dib uga laabatay da

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka oo Hambalyadda Ciida la waddagay Shacabka Puntland
Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Warka Caweysin iyo Cabdulaahi Xaamud , Daljir Doolow (dhegayso)

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtey magaalada Muqdisho kadib markii shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti.

Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.

Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.

Dowladda Jabuti ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan dadkii saarnaa dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkani ka yimid.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: