Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa

HomeWararka

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa

Guddiga isku-dhafka ah ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaal

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Madaxwaynaha Puntland oo soo bandhigay wax qabadkiisa muddo sanad ah (dhegayso)
Xukuumadda Soomaaliya oo soo Saartay Awaamiir lagu Dardargelinayo Ammaanka Muqdisho

Guddiga isku-dhafka ah ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka bilaabaya diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharrixiinta u taagan kuna tartami doona xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 17 Xubnood ayaa Goob ay ku diiwaangeliyaan musharrixiinta ka sameystay Xarunta Aqalka Sare, iyaga oo shalay soo bandhigay shuruudaha laga rabo musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya oo uu kamid yahay in ay uu wato saxiixa 20 kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ee aqbalsan in uu noqdo musharrax Madaxweyne.

Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, iyada oo ay xusid mudan tahay in musharrixiinta qaar ee Madaxweynaha ay ku maqan yihiin dalka dibaddiisa sida Turkiga iyo Imaraadka Carabta balse la filayo inay deg deg ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

15 Bishaan oo sidoo kale ah Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Halgamayaashii SYL ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana musharixiinta ay haatan Magaalada Muqdisho ay siweyn uga wadaan ololahooda doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: