Diiwaan gelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo maanta bilaabaneysa

HomeWararka

Diiwaan gelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka K/Galbeed oo maanta bilaabaneysa

Diiwaan gelinta Musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta la filayaa inay ka bilaabato magaalada Baydhabo

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka
Shuaban-biyood Dadkii ugu Badnaa ku soo Ritey Degmada Xarfo (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Diiwaan gelinta Musharaxiinta isku soo taagaya xilka Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta la filayaa inay ka bilaabato magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyay Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka ee Maamulka Koofur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta ay bilaabaneyso maanta oo Axad ah, kuna eg tahay berri oo Isniin ah, oo taariikhdu tahay 30 bisha Maarso.

Sidoo kale maalinta ku xigta ee Talaadada ah ayaa la dhageysan doonaa khudbadaha Musharaxiinta ay ka hor-jeedinayaan Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Maalinta Arbacada ee soo socota kuna beegan 1-da bisha April ayaa la qaban doonaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Shuruudaha laga doonayo Musharaxa ayaa waxaa ka mid ah in haddii uu ka tirsan yahay Golaha Wasiirada uu iska casilo xilkaas, isla markaana Guddiga qaban qaabada u soo gudbiyo warqad caddeyn ah.

Musharaxiinta ugu cad cad xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ah Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yurub oo dhowaan ka mid noqday Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: