Dibadbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo Somaliland oo kadhacay Sanaag

HomeWararka

Dibadbaxyo waawayn oo looga soo horjeedo Somaliland oo kadhacay Sanaag

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya dibadbaxyo waawayn inay kasocdaan deegaamada Baran, Xingalool iyo Hadaaftimo oo katirsan gobolka Sana

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay diyaarad ay burburiyeen
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya dibadbaxyo waawayn inay kasocdaan deegaamada Baran, Xingalool iyo Hadaaftimo oo katirsan gobolka Sanaag, halkaasi oo aan la geyn sanaadiiqdii doorashooyinka Somaliland ee loo diyaariyay gobolka Sanaag.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqaya inay katirsan yihiin Puntland iyo inaanay doonayn in Soomaaliya laga jaro, waxaana ay isugu soo baxeen deegaamadaasi iyagoona dareenkooda u muujiyay si nabad galyo oo wax dhibaato ah ay ka horimaan,

Dowladda Puntland ayaa u dirtay gobolka Sanaag wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga Puntland Cabdulaahi Yuusuf Dawlad kuwaasi oo bulshada ku baraarujiyay inaan deeganadaasi la keen sanaadiiqda doorashooyinka ee Somaliland.

Dibadbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay maanta ka socoto codaynta doorashooyinka guud ee Somaliland 2017, waxaana meelaha ay ka dhacayso ka mid ah magaalooyinka waawayn Hargaysa, Burco, Berbera iyo Boorama, Laascaanood, iyadoo qaar ka mid ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn aan la dareemin wax doorasho ah.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: