Dibadbaxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jigjiga

HomeWararka

Dibadbaxyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka socdo Dibad-baxyo xoogan oo looga s

Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (dhegayso)
Shirkii Dowlad gobaleedyadda iyo Dowladda Federaalka oo maalintii labaad galay (Daawo)
Warka Caweysin, Deeqo Ladan, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka socdo Dibad-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo Masjidyo lagu gubay Magaalo ku taalla dalka Itoobiya.

Kumanaan Qof ayaa isugu baxay Bartamaha Magaalaa Jigjiga, kuwaasi oo ka Careysan ficilada lagu gubay masaajida.

Shacabka ayaa ka Careysan ficilada lagu gubay Masaajida ku yaalla Itoobiya, iyagoona socod kusoo maray Wadooyinka waaweyn ee Jigjiga.

Culimada Masaajida ee Ismaamulka Soomaalida ayaa dadka dhiga Dibad-baxyada uga dhigay inay sameeyaan falal abuuri kara Rabshado halkaas ka dhaca.

Ammaanka guud ee Magaalada Jigjiga xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan Wadooyinka laga dhigay Ciidamo gaar ah.

Ugu yaraan 2 qofb ayaa ku dhintay dibadbaxan, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kale sida uu kusoo waramayo warioyaha Daljir ee DDS Jabardi.

Taliyaha Ciidanka amniga dowlad deegaanka Cabdicaadil Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Jigjiga ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii saakay ka dhacay Magaalada uu ahaa mid nabad ah oo kusoo dhamaaday si degan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

Sawiro.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0