Dibadbax kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Bosaso

HomeWararka

Dibadbax kadhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Bosaso

Hal qof ayaa geeriyooday , laba kallena waa ay ku dhaawacmeen dibadbax kadhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Dibadbaxa ayaa ahaa mid l

Madaxwayne Deni oo ka hadlay qaraxyada Bosaso ee lala xiriiray Qatar
liyuu Boolis & Al-Shabaab oo Guulo ka kala sheegtay kadib dagaal ku dhexmaray Bakool
Madaxda Qaranka Soomaliya iyo Amisom oo Isku Raacay Dagaal ka Dhan ah Al-Shabaab (sawiro)

Hal qof ayaa geeriyooday , laba kallena waa ay ku dhaawacmeen dibadbax kadhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dibadbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday xirnaashiyaha dekedda Bosaso oo maalintii todobaad aanay kasocon wax soo dhaqdhaqaaq soo dejin iyo dhoofin ah, kadib markii ganacsatadu ay sheegeen in lagu kordhiyay lacagihii doonyaha kusoo xiranaya dekedda.

Dadka dibadbaxayay ayaa sidoo kale ku qaylinayay erayo ay ku diidanyihiin shirkadda dekedda Bosaso maamulaysa ee laga leeyahay wadanka Imaaraatka Carabta.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ayaa yimid kadib markii ciidamada ay rasaas ku fureen dadwaynaha si’ay ukala eryaan.

Xaaladda ayaa imminka ah mid degan, iyadoona ay socdaan kulamo ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ay uga hadlayaan xaaladda dekedda Bosaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: