JIGJIGA: Qodobo laga soo saaray heshiiska beelihii ku dagaalamay Dhumay (qoraal)

HomeWararka

JIGJIGA: Qodobo laga soo saaray heshiiska beelihii ku dagaalamay Dhumay (qoraal)

Shirkii nabadeynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dhumay ee gobalka Sool isla markaana ka socday magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida It

Waddamada Islaamka Qaar kamid ah oo Berito ku dhawaqay inay Ciid tahay
Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo shacabka Somaliyeed u diray
Madaxweynaha Puntland oo Wasiirada Cusub Saaka Barlamaanka Horgeynaya

Shirkii nabadeynta beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dhumay ee gobalka Sool isla markaana ka socday magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta oo Jimce ah laga gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob.

Madaxda dhaqanka dowlad degaanka Somaalida Itoobiya oo Gogasha Nabadeed dhigay ayaa sheegay in shirkan uu maanta si rasmi ah usoo gabagaboobay, isla markaana qodobadaas laga soo saaray.

Hoos ka akhri 7 Qodob ee shirka Beelaha dhumay kaso baxay

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof, lagana dulqaado culayska magtan, waxaaana bixinaya Beelweynta Daarood

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad qofkii waxaa la xisaabinayaa 50 halaad

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed

4: Wixii khasaare guryo la gubey IWM waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya

5: Beelweynta Baharsame waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo halaad iyo $48,000 oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad) waxaa lagu ganaaxey in ay bixiso 50 halaad oo geel ah, muddada ay ku bixinaysona waa 6 bilood iyo $21,000 duug ah, iyana ay ku bixin doonto muddo 20 maalmood ah

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo $100,000 (Boqol kun oo dollar )

7: In la sameeyo socdaalo wacyigelin nabadeed oo la dhexmaro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen iyo kuwa kaleba

Dhaqangalka todobaadaas qodob ayaa looga fadhiyaa beelaha dhumay oo horey sidan oo kale heshiis loo dhexdhigay balse dagaal uu mar kale ka dhex biloowday iyadoo dad badan ku dhinteen kuwa kalena ku dhawacmeen.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: