Guddoomiye Dhoobo Daareed: “Ma jiro wax khilaaf ah oo naga dhaxeeya Madaxweyne Deni” (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Guddoomiye Dhoobo Daareed: “Ma jiro wax khilaaf ah oo naga dhaxeeya Madaxweyne Deni” (dhegayso)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo) ayaa sheegay maanta in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya isaga iyo Madax

Ha Yaabin, Argagixisadu waa Laan Siyaasadda Dibadda ee Dalalka Qaar!
Dibloomaasi hore M. Caalim: “Hoos u dhaca kalsoonida ee madaxda waxaa sababay ayaga oo ah qurbojoog oo aan xattaa carruurtoodu dalka joogin oo hoteelo wada deggan” (dhegayso)
Duqayda beesha Arab ee Isaaq oo ka soo horjeestay dagaalka Madaxtooyada Hargeysa ka hurineyso gobolka Sool

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Xaaji Maxamed (Dhoobo) ayaa sheegay maanta in uusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni.

Waxa uu sheegay Dhoobo Daareed in aysan waxba ka jirin wararka suuqa la wareejinayo oo ah kuwo been ah oo ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah leh.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in uusan ogayn mooshin ka dhanka ah oo la sheegay in ay ka gudbiyeen qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in uusan aqbali doonin in golaha cid ka baxsan oo suuqyada joogta ama maslaxado iyo dano kale ka leh Puntland in ay golaha khalkhal galiyaan oo ay faraha la soo galaan.

Dhegayso.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: