Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil Gaari oo ka dhacay dalka Kenya

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil Gaari oo ka dhacay dalka Kenya

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 38 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, markii ay Xalay saqdii dhexe isku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo marayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo Magaalada Kericho ee Dalka Kenya.

Labadii Darawal ee Buska iyo Gaariga xamuulka ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ku dhintay shilkan, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.

Dhaawacyada ayaa la dhigay Cuspitaallada Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com