HomeUncategorized

DHEGEYSO-Wasiirka ganacsiga Puntland oo kahadlay shir Garoowe ka furmay.

Garoowe, Novb 02 2016--Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank), islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

(Dhagayso) Faysal Rooble: PM Cumar waa ku liidnimo inuu Puntland ku darqiyo nidaam xaaraan ah.
Baahin: Salaasa, Oct 04, Weriye Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Warbixin: Dadka ku dhintay qaraxii Muqdisho oo gaaraya 50 ruux; khasaaraha oo wali sii kordhaya; Dakhaatiirta cisbitaalka Madina oo aan ka waraysanay khasaaraha dhimaso & dhaawac ee uu sababay qaraxu; Xukuumada federaalka oo kulan deg deg ah ka yeelatay qaraxa is-miidaaminta ah; wasiirka warfaafinta oo la hadlay saxaafada; Ahlu-sunna & Al-shabaab oo ka hadlay dagaal ku dhex maray Dhuusamareeb.
RW Sharmaake oo ka hadlay Shaqo la’aanta Soomaaliya

Garoowe, Novb 02 2016–Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

 Kulanka ayaa sidoo kale waxaa dhanka Puntland kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland, iyadoona kulanka intii uu socdey diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa arrimahaasi Daljir uga waramay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: