Site icon Radio Daljir

DHEGEYSO-Wasiirka ganacsiga Puntland oo kahadlay shir Garoowe ka furmay.

Garoowe, Novb 02 2016–Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Garoowe ka ga qayb galay kulan uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka (World Bank),  islamarkaana ay ka soo qayb galeen qaar kamida maamul goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha  rugta ganacsiga Soomaaliya iyo saraakiil ka socdey bangiga adduunka.

 Kulanka ayaa sidoo kale waxaa dhanka Puntland kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo xubno ka socda rugta ganacsiga Puntland, iyadoona kulanka intii uu socdey diiradda lagu saaray sida ugu fudud ee waddamada shisheeye iyo shirkadaha caalamiga ah ay u maal gashan lahaayeen dalkeena hooyo ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada ganacsiga iyo Warshedaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ayaa arrimahaasi Daljir uga waramay.

https://daljir.com//resources3/files/Indha.mp3?_=1
Exit mobile version