HomeUncategorized

DHEGEYSO-Puntland oo dhaqdhaqaaqyo ka bilowday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Ceeri-gaabo, July 17 2016-Dowladda Puntland ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo wacyigelin kawadaa qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii maamulka Soomaaliland uu ciidamo soodhoobay degmada Ceeri-gaabo.

Caawa iyo Daljir, Axad Dec 16-2012, Cabdifataax Cumar Geeddi ‘ ( Nairobi Kenya )
DHEGEYSO-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kahadlay cabashada gaadiidleyda.
DHEGEYSO-Nabadoon Jibriil oo kahadlay kulankii Madaxweyne Gaas iyo Keating.

Ceeri-gaabo, July 17 2016-Dowladda Puntland ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo wacyigelin kawadaa qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan, kadib markii maamulka Soomaaliland uu ciidamo soodhoobay degmada Ceeri-gaabo. 

Agaasimaha warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Col. Cabdiwaaxid Maxamuud Xasan ayaa safarro shaqo oo isugu jira wacyigelin la xiriirta sidii shacabka gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada gobolka ku tegey deegaanada Hadaaftimo, Ceelbuh, Carmale, Shimbiraale iyo Damalla Xagarre oo ah deegaano aan ka fogeyn  Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. 

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxa uu Idaacadda Daljir uga warbixiyey ujeedka safarkiisam, waxaana waraysatay weriye Faadumo Cabdullaahi Saleebaan (F.Ladan).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: