(DHAGEYSO) Puntland oo laga xusay Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Garowe, May 01, 2016 Dawladda Puntland ayaa fasaxday Shaqaalaheeda, xuska 1 May awgeed oo ah maalinta Shaqaalaha Aduunka, waxaana kulamo looga hadlayo Muhiimada Shaqada & Shaqaale-nimada lagu qabtay magaalooyinka Puntland.

Dawladda Puntland ayaa sheegtay in Nidaamka Shaqaaleysiinta uu noqday mid loo siman yahay, waxayna da’ayarta ugu baaqeen in ay qeyb ka noqdaan Imtixaanada Shaqaalaha lagu qaato ee Puntland.

Aduunka oo dhan ayaa maanta oo kale looga dabaal-dagayaa Maalinta Shaqaalaha Aduunka, waxaana maalintan la xusaa muhiimada Shaqada & Shaqaalaha, iyadoo laga hadlo Xaquuqda Shaqaalaha.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com