HomeUncategorized

DHAGEYSO: Guddiga Doorasooyinka PL oo la kulmay UNSOM

Garowe May 5, 2016 Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta la Kulmay xubno kasocda xafiiska Qaramada Midoobay u qaabils arrimaha Somalia ee UNSOM, waxayna kawada hadleen howlo la xiriira mashruuca dimuqraadiyadda iyo qaabkii wadashaqayn toos ah u yeelan lahaayeen.

Baahin: Sabti, Dec 10, Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. 2 gacan-ku-dhiigle oo dad ku laayey Puntland oo maanta qisaas lagu fuliyey; R/wasaare Gaas oo la dardaarmay cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka-sida oo tababar u dhamaaday; Guddiga qiimayna masiibadii suuqa Bossaso oo kulan la yeehay wafti ka socda dawlada federaalka.
M/weyne Shariif oo iclaamiyey in xukun xaalad deg deg ah lagu soo rogay Somaliya, caalamkana ka dalbaday in la taageero dawladiisa. Dhegaysi …
Duulimaadka FLY Dubai o ka howl-bilaabay Somailand

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta la Kulmay xubno kasocda xafiiska Qaramada Midoobay u qaabils arrimaha Somalia ee UNSOM, waxayna kawada hadleen howlo la xiriira mashruuca dimuqraadiyadda iyo qaabkii wadashaqayn toos ah u yeelan lahaayeen.

Kulanka oo ka dhacay xarunta TPEC ee magalada Garowe, ayaa waxaa joogay dhammaan Sagaalka xubnood ee guddiga iyo xunaha AMISOM oo uu hogaaminayay ninka u qaabilsan Puntland oo lagu magacaabo Howerd Bell.

Shirkan ayaa intii uu socday, waxaa lagu falanqeeyay qaabka ugu haboon ee lagu gaari karo nidaamka Axsaabta badan iyo qaabka hay’addaasi u caawin karto guddiga.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo),oo ka warbixiyay isu imaantinkaasi wuxuu ku saabsanaa, ayaa sheegay inuu ahaa codsi kayimi dhinaca UNSOM islamarkaana diiradda lagu saaray qaabkii looga xaajoon lahaa mashruuca dimuqraadiyaynta Puntland.

 

“Dabcan waxay ahayd booqashadii ugu horraysay oo xafiisku noogu yimaado intii hadda guddiga la aas-aasay, ujeedaduna waxay ahayd kulankan maanta xarunta ka dhacay, bal marka hore is  waraysi kooban iyo isbarasho maadaama uu ahaa kulankii ugu horreeyay,” Ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali.

Kismaayo, wuxuu sheegay inay xubnaha sidoo kale ka wada hadleen qaabkii loo taageeri lahaa barnaamijkan islamarkaana UNSOM ugu qareemi lahayd in la taageero guddiga doorashooyinka iyo nidaamka dimuqraadiyaynta Puntland.

“Dabcan UNSOM iyada ayaa lahayd codsiga inay nasoo booqato, waxaana kawada hadalnay, taageeradda guddiga iyo waxa ay la qaban karto islamarkaana waxaan isla soo qaadnay inay afhayeen nooga noqoto beesha caalamka,” Ayuu yiri Kismayo oo warbaahinta kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ee magaalada Garowe.

Dhawaan ayay ahayd markii guddigan ay ansixiyeen Barlamanka Puntland oo kalfadhi aan caadi ahayn yeeshay, waxaana horyaalla howlo badan oo lagu gaarayo nidaamka axsaabta badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: