DHAGEYSO: Shir dhexmaray Maamulka G Nugaal & Ganacsatada Garoowe

GAROWE May 7, 2016 Ganacsatada magaalada Garoowe ee caasumada Puntland ayaa saaka guud ahaan joojiyey Wax Iibsigii magaalada, waxa ayna dhigeen Banaanbax ay uga cabanayeen Sicir bararka ba’an ee kusii kordhaya Suuqyada Puntland, gaar ahaana Garoowe.

Kulan deg deg ah oo dhexmaray Maamulka Gobalka Nugaal, Nabadoonadda, Culumada & Ganacsatada magaalada ayaa looga wada hadlay arrimaha la xariira sidii wax looga qaban lahaa cabashadan.

Saraakiisha Maamulka Gobalka Nugaal ayaa soo jeediyey in guud ahaanba la joojiyo dibadbaxyada, ayna dadweynuhu ku kala tagaan meelaha ay iskugu yimaadeen, si looga digtoonaado falal amaan darro.

Ugu dambeyntii shirkan ayaa lagu heshiiyey sadex qodob oo muhiim u ah in wax looga qabto cabashada Dadweynuhu ka muujiyeen sicir Bararka baahsan ee Suuqyada Puntland ka jira, qodobada soo baxay ayaa kala ahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com