HomeUncategorized

(Dhagayso) Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo fariin adag u diray Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Garowe, 09, Nov, 2015 - Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa si diiran usoo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ay maantay doorteen Axmed Cali Xaashi, waxaana ugu duceeyay mas\'uuliyada in rabbi la garab-istaago.

DHEGEYSO-Madaxweyne Gaas oo shahaadooyin gudoonsiiyey arday.
DHAGAYSO:Gudoomiyaha Gobolka Bari oo Digniin u Diray kooxo uu ku Sheegay Shar-wadayaal
Olole nadaafadeed oo ay soo abaabuleen ururada bulshada oo ka bilawday Buuhoodle.
Garowe, 09, Nov, 2015 – Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa si diiran usoo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland ay maantay doorteen Axmed Cali Xaashi, waxaana ugu duceeyay mas\’uuliyada in rabbi la garab-istaago.
 
Mudane Cali waxaa uu walwal ka muujiyay in ay isku milmaan golaha fulinta iyo golaha shacabka ee Puntland, waxaana uu kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in dhowro mas\’uuliyadiisa dastuuriga ah.
 
\”Imtixaanno badan iyo caqabado siyaasi ah ayaa horyaala golaha wakiillada Puntland, waxaa ka mid ah caqabado dhaqaale, caqabado la xiriira xiriirka faderaalka iyo Puntland, tan ugu muhiimsan waa dhismaha kalsoonida golaha wakiilada iyo shacabka reer Puntland, Dastuurka ayaa si faahfaahsan uga hadlaya shaqooyinka hay\’adaha Dastuuriga ah, waana muhiim in hay\’ad kasta in ay si waafaqsan sharciga u gudato waajibaadeedka Dastuuriga ah\” Sidaasi waxaa yiri Siyaasi Cali Xaaji Warsame
 
Cali Xaaji waxaa uu khatar wayn ku tilmaamay doolarkii oo sara-u-kac uu ku yimid maalmahaan, waxaana uu sheegay arrimaha u baahan xisaabtanka in dhaqaaluhu door muhiim ah ka yahay.
 
Halkaan Ka dhagayso waraysigii uu la yeeshay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin,

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: