Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo kulmay

November 09, 2015 (Daljir) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Djibouti.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, dardar-gelinta dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo kan gobolka intaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi dowladda Djibouti iyo Madaxweyne Geelle uga mahadceliyey sida ay mar walba u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed, naftoodana ay u hureen sidii Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd.

Madaxweyne Geelle ayaa isna ku ammaaney dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhanka sugidda amniga, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, isagoo intaa raaciyey in mar walba ay diyaar u yihiin taageero dhan kasta leh oo ay Soomaaliya u fidiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Djibouti ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Marka uu dhammeysto booqashada uu ku joogo Djibouti, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga sii gudbi doonaa magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com