HomeUncategorized

(Dhagayso) Madaxweynaha Dawladda Puntland oo sagootiyey waftigii uu hoggaaminayey Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6-April-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiis Cali Sharma’arke iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee Puntland u yimi xallinta khilaafkii u dhexeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirey arrimaha doorashooyinka 2016, isla markaana ku sugnaa caasimadda Puntland muddada ka badan 10-ka cisho.

Dugsiga Alwaxa Garoowee oo ku guulaystay barnaamijkii Tartan iyo Tacliin.
Madaxwaynaha Puntland oo la kulmay bulshada gobolka Bari
Shirka 66-aad ee WHO oo Kuwayt ka Furmaya iyo Somaliya oo ka Qayb-galaysa

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6-April-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko  ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiis Cali Sharma’arke iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee  Puntland u yimi xallinta khilaafkii u dhexeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirey arrimaha doorashooyinka 2016, isla markaana ku sugnaa caasimadda Puntland muddada ka badan 10-ka cisho.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka ayaa qayb ka ahaa sagootinta Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo kusii jeedey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay garoonka diyaaradaha ku qabteen Madaxweynaha Dawladda Puntlan diyo Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadalka ku horreeyey ku sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii qaran ee uu Ra’iisul-wasaaruhu u yimi Puntland isla markaasina ay maanta meesha u yimaadeen Sagootintiisii oo keliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay heshiiskii taariikhiga ahaa ee  dhowaan dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa mid ummadda soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto isla markaana dhabbaha u xaadhaya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo lagasii amba-qaadi doono heshiiskii Garoowe, kuwaas oo dhidibada loogu taagi doono dawlad soomaaliyeed oo tayo leh oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed, shirarkaasi oo lagu qaban doono magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo meelo kale.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa geestiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bisaylka siyaasadeed iyo waddaniyadeed ee dawladda Puntland muujisay, taas oo ah mid ay mudan tahay in ay soomaali oo dhammi kaga daydaan.

Sidoo kale ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo looga hadli doono hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Dowladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,  kuwaas oo la xiriirey hannaanka geeddi-socodka doorashooyika 2016-ka iyo 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: