Dhaawacyada culus oo loo qaaday Turkiga

Dhaawacyada culus oo loo qaaday Turkiga

Ugu yaraan 12 qof oo ka mid ah dadkii shalay ku dhaawacmay Qaraxii Exkoontarool Afgooye ayaa loo qaaday Dalka Turkiga.

Diyaarad ay leeyihiin Milatariga Dalka Turkiga oo saaka Muqdisho keentay Dawooyin iyo dhaqaatiir ayaa waxaa ay dalkaas u qaadday dhaawacyada 12 qof oo ah kuwa ugu daran.

Guddiga Gurmadka Qaran ayaa sheegay in 53 qof ay jiifaan Isbitaallada halka 12 qof oo dhaawacooda culusyahay loo qaaday Dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in Dhaqaatiirta caafimaad ee dalka Turkiga qaarkood ay dhaawacyada u qaadi doonaan dalkaas.

Wasiir Islow ayaa xusay in Dowladda Qadar ay la soo xiriirtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kana qeybqaadaneyso gurmadka loo sameynayo dadka uu saameynta ku yeeshay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com