DFS oo Hambalyo u Dirtay Hay’adda WFP oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda

HomeWararka

DFS oo Hambalyo u Dirtay Hay’adda WFP oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya oo hay’adaha amniga ugu baaqay in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiglihi dilay Luul Cabdicasiis
Suuriya oo lagu dilay 29 Askari oo ciidamada Turkiga katirsan

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize.

“Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19, ayuu yiri Md Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

Hey’adda cunta aduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaalada gurmadka iyado oo bixineysay gargaar bani’aadannimo oo cunto ah islamarkaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.

Inkasta oo shaqada ugu badan ee hey’adani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha.

“Inti uu jiray Covid-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul,” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS.

“Waxaan si gaar ah amaan u jeedinayaa Shaqaalaha WFP ee Soomaaliya ka shaqeeya dadaalka aan daalka lahayn iyo shaqada wanaagsan oo ay ka hayaan dhammaan deegaannada Soomaaliya. Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya JFS.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: