Suuriya oo lagu dilay 29 Askari oo ciidamada Turkiga katirsan

Ugu yaraan 29 ciidammada waddanka Turkiga ah ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay gaysteen “ciidammada maamulka” Suuriya taas ka dhacday waqooyi galbeed ee Suuriya, sarkaal sare oo Turki ah ayaa sidaas sheegay.

Dhowr askari oo kale ayuu dhaawac culus ka soo gaaray weerrarkaasi ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyi galbeed Suuriya, barasaabka gobolka Hatay ee waddanka Turkiga, Rahmi Dogan ayaa sidaasi sheegay. Waxaa jira warar kale oo tirada dhimashada intaas ka badinaya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa weerrarka kaddib waxa uu qabtay shir ammaan oo heersare ah.

Ciidammada Suuriya oo uu baritaarayo Ruushka ayaa waxa ay iskudayayaan inay fallaagada ay taageeraan ciidammada Turkiga dib uga qabsadaan gobolka Idlib.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaya in ciidammada Suuriya ay ka durqaan goobaha ay saldhigyada ka sameysteen milateriga dalkiisa. Waxa uu ku goodiyay inuu weerrari doono ciidammada dowladda Suuriya haddii aanay joojin ruqaansiga ay soo wadaan.

Hasayeeshee dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa diiday dalkaasi ah inay dib ugu gurtaan goobaha la kala joogay waqtigii xabbad joojinta 2018. Ruushka ayaa waxa uu Turkiga ku eedeeyay inuu ku xadgudbay heshiiskii xabbad joojinta 2018 maadaama uu fallaagada ku taageeray madaafiic.

Hay’adda ka shaqeysa xuquuqul insaanka Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 askari oo Turki ah lagu dilay weerarkii cirka ee habeenkii Khamiista dhacay.

Ciidammada dhaawacmay ayaa waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga si halkaas loogu dabiibo, ayuu yiri Mr Dogan.

Dhanka kale, Turkiga oo xubin ka ah gaashaanbuurta Nato ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda wasiirka Mevlut Cavusoglu uu la hadlay Xoghayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com