DFS  oo daah furtay wajiga 1aad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda

HomeWararka

DFS oo daah furtay wajiga 1aad ee tirakoobka shaqaalaha Dowladda

Munaasabadan Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa shalay daah furay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaa

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo farriin u direy Ganacsatada Soomaaliyeed
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Sucuudiga oo Somaaliya tageero u balan qaaday

Munaasabadan Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa shalay daah furay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, Xafiiska RW iyo madaxtooyada, in ka badan 150 shaqaalle oo laga soo diray hey’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka howlgalka mashruucan wajiga koowaad ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda loo idmaday.

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa faah faahin iyo sharaxaad dheer ka bixiyay hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa yiri ” wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriira sida go’aanka shaqaaleynta,”.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jiraan Shirkad madax banaan oo ku guuleysatay fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo ASAL oo kaashanaya Bank Aduunka WB.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in hirgelinta tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha hey’adaha dawladda federaalka uu qeyb ka ahaa waajibaadka shaqo ee wasaaradda shaqada, waxuuna si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan u gudo gelaya waajibaadkii shaqo ee uu faray wasiirka.

“Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan, waxaan maanta inoo bilaabmaya aqoon isweydaarsigii lagu heli lahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda ” Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda shaqada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: