DFS oo beenisay in dalka laga joojiyay duulimaadyada Fly Dubai iyo Air Arabia

DFS oo beenisay in dalka laga joojiyay duulimaadyada Fly Dubai iyo Air Arabia

Dowlada Federalka ayaa beenisay warar sheegaya in Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay dalka ka joojisay duulimaadyada shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com