DFS a oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya

DFS a oo xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dowladda Kenya ka dib markii ay ku eedeysay in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dublomaasiyiinteeda Soomaaliya in uu si deg deg ah uga soo baxo dalka Kenya,iyada oo sidookalana dowladda Soomaaliya ay amartay in duplomaasiyiinta Kenya ay 7 cisho dalka uga baxaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa ku dhawaaqay go’aanka dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Waxaa uu sheegay in sababta go’aanka ay u qaateen ay tahay, si looga jawaabo xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee ay Kenya ku heyso madax banaanida Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu yeeratay safiirkeeda Kenya sidoo kalena ceyrisay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya dhankeeda weli wax war ah kama soo saarin go’aanka ay gaartay dowladda Soomaaliya,waxaana xusid midan in ay Kenya ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya Ciidamada ka joogaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com