HomeUncategorized

Degmada Burtinle oo laga Bilaabay Canshuur-Qaadista Gaadiidka

November 08, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo saraakiisha ammaanka ee Gobalka oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo lagu banaynayo dhulka la xirmaystay ka waday degmada Burtinle ayaa waxay bilaabeen in la dar dargaliyo canshuurta saddex bilood laha taasoo gaadiidlaydu soo dhaweeyeen.

(Dhagayso) Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo hirgelisay Waaxda Hormarinta Xoolaha
Baahin: Sabti, Sept 03, Weriye Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Waraysi & Warbixin: dagaalka Galkacyo & khasaaraha bulsheed ee uu gaystay; Issimada Puntland oo ku baaqay in la joojiyo colaada Galkacyo; Waftiga Puntland uga qayb galaya shirka wadatashiga Somalida oo gaaray Muqdisho.
Madaxweynaha oo saxiixay sharciga dhismaha gudiga xuquuqda aadanaha.

November 08, 2015 (Daljir) — Gudoomiyaha Gobalka Nugaal iyo saraakiisha ammaanka ee Gobalka oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo lagu banaynayo dhulka la xirmaystay ka waday degmada Burtinle ayaa waxay bilaabeen in la dar dargaliyo canshuurta saddex bilood laha taasoo gaadiidlaydu soo dhaweeyeen.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Farawayne oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay qaadista cansuurta inay qayb ka tahay jiritaanka dowladnimo, ayna ka go’an tahay in lasoo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Gobalka, waxa kale uu sheegay gobalka inay ka wadaan baneynta jidadka la xirtay ee xaafadaha iyo dooxooyinka xooluhu qaadaan oo dad si gaar ah u isku siiyeen.

Howlgalka ka socda Burtinle ayuu Faraweyne tilmaamay inuu soconayo mudo bil ah, marka uu soo dhammaadana ay ku xijin doonaan degmooyinka Godobjiiraan, Eyl iyo Dongorayo, qorshahan ayuu ku sheegay inuu yahay isku tashagii uu madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas ku dhawaaqay.

Shacabka degmada Burtinle ayaa soo dhaweeyay howlgalka mamulka Gobalku ka bilaabay degmada, kaasoo si weyn looga dareemayo magalada.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: