HomeUncategorized

Deegaanka Yurkud, Gedo oo dagaal ku dhex maray ciidamada dawladda federaalka & Al-Shabaab

Gedo,Mar 10 -Ciimada dowladda,Ahlu sunah iyo ururka Al-Shabaab ayaa saaka dagaal socday qadar saacado ah waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.

Dawladda Puntland oo soo dhawaysay ansixinta R/wasaare Saacid.
Kenyaan dalbaday in la sii daayo wiilashooda oo ay ku jiraan Meleteri laguna haysto Soomaaliya
SAWIRRO-Madaxweyne Farmaajo oo maanta loo caleemasaaray xafiiska.

Gedo,Mar 10 -Ciimada dowladda,Ahlu sunah iyo ururka Al-Shabaab ayaa saaka dagaal socday qadar saacado ah waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Yurkud oo ay maamulaan dowladda KMG iyo ururka Ahlu-sunah Waljameeca.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo ah xoghayaha gaashaandhiga ee Ahlu-Sunah Waljameeca ayaa u sheegay Radio Daljir inay dagaladan ku dileen 25-dagaalyahan oo katirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaadday,waxaa uu sidoo kale sheegay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen inay joogaan ciidamadooda.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh. Cabdi Casiis Abu Muscab oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay dhankooda inay guullo ka gaareen dagaalka ayna ku dileen sida uu sheegtay 73-ka mid ah ciidamada dowladda Itoobiya.

Inkastoo ay dhinacyada dagaalamay ay guullo ka sheegayaan dagaalkan, ayaan waxaa jirin illo madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha uu dhaliyay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Yurkud ee gobolka Gedo.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: