Dawladda Xasan Sheekh oo Dekedda Garacad ku qabsatay shacabka iyo Dawladda Puntland

Dawladda Xasan Sheekh oo Dekedda Garacad ku qabsatay shacabka iyo Dawladda Puntland

Xilli Xamar iyo koonfurta Soomaaliya ay shacabka Puntland kaga maqanyihiin hanti qiimaheeda lagu qiyaasay in ay kor u dhaafeyso 3 bilyan oo USD welina aan xal loo helin soocelinta hantidaas, ayaa markii ugu horraysay dawladda Xasan Shiikh waxa ay shacabka iyo dawladda Puntland ku qabsatay Dekedda Garacad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedaynayaa waqti xaadirka iyo Madaxweynaha iyo ehelkiisu dhunsadeen hanti qaran oo ay ku jiraan xeryo ciidan oo kor u dhaafaya 11 xero illaa iyo haddana hantidhowrka guud uusan wax war ah ka soo saarin.

Hanti qaran kaliya ma aha ee sida aan hore u xusnay waxaa illaa maanta shacabka Puntland kaga maqan Xamar iyo koonfurta guryo, dhul, iyo beero la yaqaan dadka haysta, cidda leh oo weli aan dib loogu celin dadkii lahaa, lagana xisaabtamin, hantidaas oo lagu qiyaaso mid kor u dhaafaysa balaayiin doolar.

Haddii hanti shakhsi, guryo dhul ama beero weli kaaga maqanyihiin Xamarn iyo koonfurta Soomaaliya, fadlan nala qaybso falceliskaaga.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com