HomeUncategorized

Dawlada federaalka oo idaacado FM ah ugu deeqday maamulada Khaatumo & Galmudug.

Caption ...

Ra?iisul wasaare Saacid oo Maanta xilkii la wareegay (Sawiro)
Xukuumadda Galmudug oo soodhoweysey barlamaanka cusub ee Hirshabeelle.
Safiirka Soomaaliya ee Liibiya oo ka warbixiyay kororka dhalinyarada Soomaalida ee tahriib doonkaa.

Muqdisho, Mar 27 – War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta ee dawlada federaalka ee Somaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay ugu deeqday idaacado FM ah maamul goboleedyada Khaatumo iyo Galmudug.

Sida ku cad war saxaafadeedka ujeedada ka dambaysa deeqaha idaacadeed ayaa ah sdii loo baahin lahaa wararka iyo fariimaha dawlada, loona baahiyo fariimaha Xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahan shacabka ku nool gobollada dalka oo dhan.

Wasiirada Warfaafinta C/qaadir Xuseen Maxamed ‘Jaahweyn’ iyo Waxbarashada Dr. Axmed Caydiid Ibraahim ayaa guddooniisay idaacada M/weynaha maamul goboleedka Khaatumo C/nuur Cilmi Qaaje.

Idaacad kale oo FM ah ayaa sidoo kale al guddoonsiiyey maamulka goboleedka Galmudug 22-kii bisha Maarso, 2012.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ay idaacado siiyeen Puntland, halka ay qorshaynayaan in ay idaacado geeyaan gobollada Bay, Bakool & Hiiraan.

?Wasaaradda warfaafinta muhimadeedu waa in ay baahiso codka xukuumadda, sidoo kalana ay ka taakuleyso Maamuladda dalka ka hana qaaday dhanka warbaahinta iyo Isgaarsiinta” ayuu yiri wasiirka warfaafintu.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta ee dawlada federaalku ay dhawaan xafiisyo warbaahineed ka furan doonton goboladda dalka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: