Ra?iisul wasaare Saacid oo Maanta xilkii la wareegay (Sawiro)

Muqdisho Oct 18-Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Ra?iisul wasaare Somaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Ra?iisul wasaarihii hore Dr. Cabdi weli Maxamed Cali waxaan ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyida Federalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud, Golaha wasiirada, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kala duwan ayaa ka dhacaday Hoolka shirarka ee Golaha wasiirada.

Ugu horayntii Ra?iisul wasaarihii hore Dr. Cabdi weli Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey wax qabadkii xukuumadiisa iyo guulihii ay gaartay mudadii ay jirtay, wuxuuna sheegay in ay meel fiican soo gaarsiyeen howshii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed xukuumada cusubna ay haysato fursado badan taas oo u suurta galin karta inay dhamaystirto howlihii qabyada ka ahaa xukuumadii hore, intaa kadibna wuxuu Ra?iisul wasaarihii hore ku wareejiyey Ra?iisal wasaare cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u??leh arimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra?iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Saacid ayaa hadalo kooban ka jeediyey goobta.

?Waxaan maanta xilka kala wareegnay Xukuumadii Badbaado Qaran anigoo kalsooni buuxda ku qaba Dr. Cabdiweli waxaana ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee?

Ugu danbayntii Madaxweynah JFS mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadaalkii ku salaysnaa isbadalka uu si wanaagsan u socdo taas oo makhraati ka ah sida xilkasnimada ku dheehantahay oo xilka laysugu wareejinayo caalamkuna ay aad ugu riyaaqsanyihiin in Soomaliya ay Jihadii fiicanayd ku socoto taasina waxay??abuuraysaa kalsoonida shacabka iyo tan caalamka.

\"\"

?

\"\"

\"\"

?

\"\"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com